Marka(Jalalaqsi Online) – War hadda nasoo gaaray ayaa sheegay in diyaarad ay ku dhacday meel u dhow deegaanka Buulo-Mareer ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Diyaaradda ayaa lagu warramayaa inay tahay diyaard shacab, balse weli lagama hayo faah-faahin buuxda. Waxaan sidoo kale caddeyn sababta soo ridday diyaaradda.

Warka ku saabsan dhicitaanka diyaaradda ayaa soo baxay markii shacabka magaalada Marka ay ku warrameen inay arkeen diyaarad holcaysa oo sii dhaceysa.

Illaa iyo hadda ma cadda xaaladda shacabka saarnaa diyaaradda. Aagga ay diyaaradda ku dhacday ayaa waxaa jooga maleeshiyada ururka Al-Shabaab, sida aan xog ku helnay.

Wixii kusoo kordha kala soco Jalalaqsi Online., Insha Allah.