Muqdisho (Jalalaqsi Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa maalmihii u dambeeyay ka da’ayay roobab xoogan oo daadad wata, kuwaas oo saameyn ballaaran ku yeeshay shacabka, gaar ahaan isku socodka dadweynaha iyo gaadiidka.

Xaaladdan ayaa si gaar ah saameyn ugu yeelatay dadka nool degmooyinka Dharkenley iyo Wadajir oo la’isku yiraahdo xaafadda Madiino ee magaalada Muqdisho.

Dadka ku nool halkan ayaa galay go’doon, tan iyo markii ay billowdeen roobabka ka da’aya gudaha dalka, kuwaas oo si guud u saameeyay dadka shacabka ah, gaar ahaan danyarta.

Madiino marka la maqlo waxa ay dadka xasuustaan dhibaatada ka taagan marka loo socdaalayo, waxaana xiran halka waddo ee loo maro, waana waddada Ceelqalow

Waddadan ayaa waxaa fariistay biyo fara badan oo hakiyay dhammaan isku socodkii dadka iyo gaadiidka, waxaana taas ay saameysay qoysas badan, sidoo kale waxaa arrintan xal u waayay maamulka gobolka Banaadir oo sameeyey dhowr isku day, balse ma jiro wax kasoo naasa cadaaday, waxaana weli taagan dhibta haysata shacabka.

Sababta ugu weyn ee sii kordhisa dhibaatada ayaa ah inay xiran yihiin waddooyinka kale ee loo maro Madiino, sida waddada gasha garoonka Aadan Cadde iyo midda ka baxda isgoyska Banaadir ee ku dhacda isgoyska Korontada ee degmada Wadajir, labaduba waxa ay muhiim u yihiin shacabka, haddana dhowr iyo toban sano lama marin.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa bishii October ee sanadkan horay uga hadlay arrintan, isaga oo qiray inay go’doon dadban ku jiraan shacabka ku dhaqan xaafadda Madiino ee magaalada Muqdisho.

“Madiino oo dhan waa iska go’doon, waddadooda waa tan Danwaagta, haddii uu Roob da’ana way go’daa, waddadii Ceela Boorkana way ka xiran tahay, tii Banaadir ka baxaysay ee Korontada ka leexaneysay waa xiran tahay, taas waxa ay keentay in marka dadkan ay si dadban go’doon u yihiin” ayuu horay u yiri Duqa magaalada Muqdisho.

Madaale ayaa xilligaas ballan qaaday inay dhisi doonaan waddada Madiina, ayna furi doonaan waddooyinka kale, balse ma jiro illaa iyo hadda wax tallaab ah oo loo qaaday.

“Waan dadaaleynaa dalka waa dhiseynaa hal dollar ayaan dalkeena ku dhisaneynaa” ayuu markale yiri Guddoomiye Yuusuf Madaale.

Si kastaba, Muqdisho ayaa haatan wajaheysa dhibaato adag oo ka dhalatay roobabkii ka da’ay caasimada, waxaana durbo burburay inta badan laamiyadii dhowaan uun la dhisay.

 

Jalalaqsi Online