(jalalaqsi Online)—Dowladda Ruushka ayaa mar kale dhoor waddan ay ku jirto Soomaaliya ku dartay liiska madow ee dalalka ay u aqoonsan yihiin in uusan dalkooda la wadaagin macluumaadka la xariira canshuuraha

Hay’adda canshuuraha Federalka ee dalka Ruushka ayaa qoraal ay soo saartay ku shaacisay dalalka ku jira liiska madow ee waddamada aan la wadaagin canshuuraha, waxaana dalalkaasi wali ku jira Soomaaliya

Dowladda Ruushka ayaa 89 Waddan ka saartay liiskii hore ee dalalka liiska madow ku jiray , waxaana waddamada liiska laga saaray kamid ah  Baxrayn, Pakistan, Nigeria, Colombia, Costa Rica, Uruguay, Ecuador, Andorra, Barbados iyo Saint Lucia

Liiska dalalka aan la wadaagin Ruushka xogta canshuuraha ayaa sannadkan cusub ee 2023-ka dib loo cusboonoosiiyay, waxaana laga saaray liiska dalal horey ugu jiray halka wali dalalka kale liiska madow ugu jiraan Ruushka

Qoraal ka soo baxay hay’adda canshuuraha Ruushka ayaa lagu xusay in 8 Waddan oo Carbeed ka mid yihiin dalalka weli ku sii nagaan doonaan liiska madow, waxaana dalalkaasi kamid ah Somalia, Sudan, Urdun, Saldanada Cumaan, Iraq, Tunisia, Mauritania iyo Falastiin.

                                                       jalalaqsi Online