Qaraxa oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarax ayaa waxaa lagu weeraray xarunay ciidamada xasilinta caasimada ku leeyihiin halka loo yaqaano Dhista oo ku dhow agagaarka degmada Dayniile, sida uu shaaciyay guddoomiye ku xigeenku.
Cali Cabdi Faarax ayaa xusay in ciidamada ay markii istaajiyeen gaariga, balse uu ka dhaga adeegay amarka, kadibna rasaas lagu furay ay keentay inuu meesha ku qarxo.
Gaariga istaag ayaa la dhahay, markii uu diidayne rasaas ayaa lagu furay, kadibna wuu qarxay oo sidaas ayaa lagu fashiliyay” ayuu yiri Cali Cabdi Faarax.
Sidoo kale waxa uu xaqiijiyay in qaraxaan ay ku dhaawacmeen illaa 5 askari iyo sidoo kale qof shacab ah oo waddada marayay.
“Qaraxa waxaa nooga dhaawacantay 5 askari, sidoo kale waxaa dhaawac 1 qof oo shacab ah wax kale oo dhibaato ah ma jiro” ayuu yiri guddoomiye ku ixgeenka amniga Dayniile.
Waxaa kale oo uu intaasi ku daray in qaraxaan loo waday magaalada Muqdisho, balse ay iyagu ka hortageen, wuxuuna sheegay in ay tahay markii labaad.
“Waa qaraxii labaad ee la fashiliyo waxayna rabeen in magaalada u safriyaan, balse waa laga hortegay” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Cali Faarax Cabdi.
Weerarkan ayaa qayb ka noqonayo falalka amni darro ee haatan ka dhacay magaalada Muqdisho, inkastoo dhanka kale ay howlgallo amni xaqijin ah wadaan ciidamada dowladda.
Al-Shabaab oo jab xoogan lagu gaarsiiyay dagaallada ka socda gobollada dalka, ayaa u muuqato inay iyaduna culeys soo saartay Muqdisho oo ay ka fulineyso weeraro culus.
Jalalaqsi Online