Muqdisho(Jalalqsi Online):-Gudiga qaban qaabada Doorashada Guddoonka aqalka sare ayaa kormeer ku tegay Xarunta Teendhada Afisyoone oo beri 26-ka bishan ay ka dhacayso Doorashada Guddoonka aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Xubnaha Gudidda ayaa kormeerkooda la xiriiray xaqiijinta u diyaargarowga howsha baaxadda leh ee ka socoto xaruunta Doorashada Guddoonka aqalka sare.

Doorashada beri ayaa waxa ay xubnaha aqalka sare kusoo dooran doonaan Guddoomiyaha Aqalka sare iyo labadiisa Ku-xigeen.