Garbahaareey(Jalalaqsi Online) Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Gedo Axmed Buulle Gareed ayaa ka soo horjeestay go’aankii ka soo baxay guddiga doorashooyinka heer federaal ee doorashada looga wareejiyey magaalada Garbahaarey, lana geeyey degmada Ceelwaaq.

Axmed Buulle Gareed ayaa sheegay in go’aankaas uu khilaafsan yahay Heshiiskii 17 September ee dhigayey in dowlad goboleed kasta uu labo magaalo ku qabto doorashada.

“Garbahaarrey Heshiiskii 17 September ayay ka mid tahay, xildhibaannada la dhaarinayay waxa lagu dhaariyay waa 17 September, kuwa dhiman waxa lagu soo dooranayaana waa 17 September, cid hal qodob ka beddeli karta ma jirto, shalayna waan taagneyn haddana waan taagannahay,”ayuu yiri.

Buulle Gareed ayaa ku eedeeyay Guddiga FEIT inaysan habeysneyn oo ay dhowr garab noqotay. “Waxaan ku xaqiijinayaa in haddii warqaddaas ay xaqiiq noqoto aan Garbahaarrey ku dooran doonno xildhibaannadii dhinnaa oo ay doorashada Garbahaarrey ka dhacayso,” ayuu yiri.

Wuxuu sheegay in markii horeba aan lagu heshiin waayin in doorashada ay Garbahaarrey ka dhacdo, isla markaana ay ku jirtay qodobbada heshiiskii 17 September, wuxuuna sheegay inaysan u dulqaadan doonin arrintaas ayna doorashada qabsan doonaan.