Niger (Jalalaqsi Online)-Hogaamiyihii afgambiga Niger ayaa soo jeediyay saddex sano oo kala wareejin ah oo xukunka kadib markii uu la kulmay wafdi ka socda madaxda Galbeedka Afrika wuxuuna ka digay in weerar kasta oo lagu qaado dalka “uusan noqon doonin mid fudud”.
General Abdourahmane Tchiani, oo ka hadlayay talefishinka qaranka goor dambe sabtidii shalay, ma bixin wax tafaasiil ah oo ku saabsan xiliga kumeel gaarka, isagoo sheegay kaliya in mabaadi’da tallaabada lagu go’aamin doono 30 maalmood gudahooda wadahadal uu martigelinayo golaha militariga ee talada haya.
Qudbadiisi oo socotay 12 daqiiqo, Tchiani waxa uu ku andacoodey in ECOWAS ay “isu diyaarinayso in ay weerarto Niger, iyaga oo kaashanaya ciidamo shisheeye” waxa uuna dhaleeceeyay waxa uu ugu yeeray cunaqabataynta “sharci darada ah” oo ” bini’aadanimada ka baxsan” ee uu soo rogay ururka goboleedka.
ECOWAS ayaa cunaqabatayn adag ku soo rogtay Niger ka dib afgambigii 26kii July, waxayna amar ku bixisay in dalkaas loo diro “ciidamada heeganka ah ee gobalka” si loo soo celiyo xukunka dastuuriga ah ee dalka.
Ururka ayaa sheegay Jimcihii in dalalka gobalka ku heshiiyeen xiliga Hawlgalkooda bilaabmayo walow aan la shaacinin, iyadoo ay suurtagal tahay in 11 kamid ah 15-ka waddan ee xubnaha ka ah ay oggolaadeen in ay ciidamo ku biiriyaan howlgalkan.
Jalalaqsi Online