Dhismihii maamulka Hirshabeelle oo haatan laga joogo muddo shan sano iyo sagaal bilood waxaa talada maamulkaas isu bedelay illaa saddex madaxweyne oo ugu dambeeyo Cali Guudlaawe oo wadashaqeyn buuxda la lahaa kooxdii Farmaajo , una arkayeen keenistiisa in uu yahay shaqsiga kaliya ee wakiilka uga noqon kara Hirshabeelle, kuna dulleysan karaan shacabka deegaannadaas
Caqabadaha ugu waaweyn ee uu maamulka Hirshabeelle wajahayo waxaa ka mid ah tabashada reer Hiiraan oo aan weli xal laga gaarin, arimaha la xiriira amniga, dhaqaalaha iyo xaaladda bani’aadamnimo oo meeshii ugu xumayd mareysa
Qodobka 1aad. Maxaa laga qabtay tabashadii reer Hiiraan ee muddada fog soo jiitameysay?
Hirshabeelle waxay ka kooban tahay laba gobol oo isu tegay (Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe) tabashada ay reer Hiiraan markasta qabeen iyo gadoodka ugu dambeeyay ee ay ka qaadeen dhismihii labaad ee Hirshabeelle waa mid mudan in si xilkasnimo ku jirto looga garaabo, haseyeeshee shaqsiyadda Cali Guudlaawe oo aan aad u garanayo uma arko in uu awood u leeyahay xallinta mashaakilkaas arimahaan soo socda darteed
■ Cali Guudlaawe waa shaqsi xoog lagu dulkeenay umadda, kuna yimid mashruucii Farmaajo ee la ciribtiray, marna kama mid aha ajandihiisa in uu xalliyo tabashada ay reer Hiiraan qabaan, wuxuuna aaminsan yahay in la sandulleeyo oo aanay diidmadooda wax u dhimi karin maamulkiisa
■ Ballanqaadkii uu reer Hiiraan u sameeyay illaa hadda majirto hal qodob uu ka fuliyay, diyaarna uma aha in uu fuliyo
■ Guudlaawe uma arko in Hirshabeelle ay ku dhisnaan karto oo kaliya is fahamka labada gobol, wuxuuna taa bedelkeeda aaminsan yahay in caasimadda maamulka iyo madaxweynaha ay isku haystaan reer Shabeellaha Dhexe oo aan marna laga gorgortamin qadiyaddaas.
Gabagabadii, mar haddii uu hoggaanka Hirshabeelle ku fashilmay xal u helidda mashaakilka jira waxaa shacabka labada gobol iyo siyaasiyiintooda la gudboon in ay dib isu abaabulaan kana tashadaan baadigoobka Hirshabeelle loo wada dhan yahay iyo dhismaha hoggaan xalaal ah oo ku yimaada rabitaanka bulshada, kana shaqeeya hormarkooda.
W/Q. Hon. Mohamed Hassan Ibrahim (Qoono)