Taliye ku xigeenka ciidanka Asluubka Soomaaliyeed Jeneraal Cilmi Waasuge Coloow ayaa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey Munaasabada 12ka april oo ku beegan Sanad Guuradii 62-AAD Ee kasoo wareegatay Aas aaskii Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Jeneraal Waasuge ayaa ugu hambalyeeyey Sarreeyeyaasha, Saraakiisha, Saraakiil-xigeennada, Aliflayda, Dableyda Ciidanka Xoogga Dalkeenna iyo xaasaskooda sanad guuradii 62-guurada kasoo wareegtay aasaaskii Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed
Waxaan marnaba la ilaawi karin geesiyaashii ku shahiiday ilaalinta sharafka Ummadeena iyagana Waxaan Allah uga baryaynaa inuu janadiisa ku galadeysto,inta dhaawaca ahna caafimaad taam ah ayaan Allah u waydiinaynaa, Caruurtii ku agoomowdayna waxaan u rajeynayaa Daryeel Insha Allah.
Ugu Dambayn, Jenaraalka ayaa ku ammaanay kuna bogaadiyey Saraakiisha iyo guud ahaan Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed sida ay naftooda ugu huraan xaqiijinta amniga iyo xasilloonida Dalka, si muwaadiniinta soomaliyeed ay Nabad ugu naaloodaan Dalkooda,