Baledweyne{jalalaqsi Online}_Faah faahino ayaa ka soo baxaya dagaal barqo nimadii maanta ka qarxay deegan lagu magacaabo ceel Hareeri oo hoos taga degmada jalalaasi Ee gobolka hiraan,
Dagaalka ayaa yimid kadib markii sida aay sheegen saraakiil ciidan aay ka war heleen in deegankaasi Ceel hareeri aay alshabaab isku aruursanayen intaasi kadibna aay ciidamada xooga iyo kuwa deeganka aay weerar ku qaaden
Dagaalka uu sii kululaday waxaa goortanbe ku biiray Ciidamo ka ruqaansaday Deegaanka Tardo iyo jalalaqsi
Inkastoo anan helin ilo madax banaan oo inoo xaqiijin kara inta uu la ekyahay qaasaraha ka dhashay dagaalka
Afhayeenka maamulka gobolka hiiraan ayaa bartiisa Facebook ku dabacay in dagaalkaas alshabab jab xoogleh aay ku gaarsiyen waliba in ka ka badan 60 xubnod aay ka dileen aayna ku hareerysan yahiin goobahii aay ku hareen,,,
Maalmihii ugu Dambeeyey Deegaano Badan oo ka tirsan Gobolka Hiiraan Waxaa ka soconayey Howlgalo kala Duwan oo lagula Dagaalmayey Alshabaab
Shalay ayey eheyd markii Xildhibaano iyo saraakiil ka tirsan Ciidanka Xooga Dalka soomaliyeed ay ku Shireen deegaanka Goobo kaasi oo looga hadlayey sidii loo sii dardar galin lahaa dagaalka ka dhanka ah alshabaab
jalalaqsi Online