(jalalaqsi Online) – Dabley hubaysan ayaa 30 carruur ah ka afduubtay Waqooyiga Gobolka Katsina ee waddanka Nigeria, waxaana ay dalbadeen lacag madax-furasho ah, sida ay sheegeen Booliska iyo dadka deegaanka

Katsina waa gobolka uu ka soo jeedo madaxweyne Muhammadu Buhari, waxayna ka mid tahay gobollada waqooyi-galbeed ee Nigeria, halkaas oo kooxo hubaysan oo mootooyin wata ay dadka ku dilaan ama afduub uga geystaan tuulooyinka iyo waddooyinka waaweyn

Afhayeenka Booliska Katsina, Gambo Isah, ayaa xaqiijiyay afduubka carruurtan, balse ma uusan bixin faah-faahin dheeri ah

Mid ka mid ah dadka deegaanka oo wiil uu dhalay uu ka mid ahaa dadka la afduubtay ayaa sheegay in 30 caruur ah la afduubtay balse ugu yaraan labo ay baxsadeen halka mid kalena la sii daayay maadaama ay xanuunsaneyd

Carrruurtan oo badankood ay ahaayeen gabdho da’doodu ay ka hooseyso 14 jjir ayaa sida uu sheegay mid ka mid ah dadka deegaanku ay dableydu dalbanayeen lacag dhan 30 milyan oo naira oo u dhiganta 68,435 dollar

Carruurta aan qaan-gaarin ee ka shaqeysta beeraha ayaa caan ku ah qaar ka mid ah gobollada waqooyiga Nigeria, oo ay ku nool yihiin tirada ugu badan ee carruurta aan iskuulada dhigan dalkaas, sida ay sheegtay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan waxbarashada, sayniska iyo dhaqanka

Milatariga ayaa duqeeyay goobo lagu tuhunsan yahay in ay ku dhuumaalaysanayaan dableydan, kuwaas oo gudaha looga yaqaanno burcadda, iyada oo dowladdu ay doonayso inay soo afjarto weerarrada walaaca dhaliyey kahor doorashada guud ee bisha February

 jalalaqsi Online