muqdisho (jalalaqsi Online)—Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday, Alle ha u naxariistee, Danjire Muxiddiin Maxamed Kaalmoy.

Madaxweynaha Jahmuuriyadda ayaa tilmaamay in Danjire Muxiddiin uu ka mid ahaa siyaasiyiinta ruug caddaaga ah ee muddada dheer u soo adeegayey shacabka Soomaaliyeed, isaga soo noqday Wasiir, diblumaasi dalkeenna matalay iyo Bare ka mid ahaa macallimiinta Jaamacadda Umadda.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Marxuumka Alle u weydiiyey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, qaraabada iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodey.

                                                          jalalaqsi Online