Muqdisho (Jalalaqsi Online) – Madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhow u ambabaxay magaalada Asmara ee caasimada dalka Eritrea.
Madaxweynaha ayaa ka dhoofay garoonka Aadan Cadde, isaga oo ka dagi doono magaalada Asmara, sida ay shaaca ka qaaday Villa Soomaaliya.
Qoraal kasoo baxay madaxtooyada ayaa waxaa lagu sheegay in safarka madaxweynaha uu ka xiriiro xaaladda dhalinyarada Soomaaliyeed ee tababarka ku qaadanaya gudaha dalkaas, kuwaas oo qarakood dhammeystay tababarka.
Sidoo kale madaxweynaha ayaa dhiggiisa dalka Eritrea, Eritrea Isaias Afwerki kala hadli doono arrimo ay ka mid yihiin adkaynta xiriirka labada dal, Kor u qaadidda iskaashiga difaaca iyo amniga si loo ilaaliyo nabadda, xasilloonida iyo amniga Gobolka.
Villa Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegtay in qorshahan uu qayb ka yahay dagaalka Al-Shabaab, islamarkaana madaxweynaha uu safarkiisa kadib sii wadi doono howlgalka, hase ahaatee madaxweyne Qoor Qoor ayaa loo sii xilsaaray inuu dagaalka sii hoggaamiyo.
“Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka duulaya ahmiyada ay leedahay hirgalinta qorshaha muddo kooban dalka looga sifeynayo Khawaarijta ayaa Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug mudane Axmed Abdi Kaariye u xil saaray dardargelinta iyo hagida halganka Khawaarijta looga ciribtirayo deegaannada Galmudug, Madaxweynaha ayaa safarka kaddib halkiisa ka sii waddi doono hoggaaminta dagaalka ka dhanka ah argagixisada” ayaa lagu yiri warsaxaafeedka.
Eritrea ayaa waxay tababartay in ka badan 5,000 oo askari oo Soomaali ah, kuwaas oo dalkaas ku sugnaa muddo ka badan laba sano.
Si kastaba, qaybtii ugu horreysay ee ciidankaas ayey dowladdu dalka dib ugu soo celisay bishii December 2022, hase yeeshee weli ma cadda in lasoo dhameystirayo ciidankaas.
Jalalaqsi Online