Muqdisho (Jalalaqsi Online) – Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo Taliyaha Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Mahad Maxamed Salaad ayaa gaaray aagga deegaanka Ceel-garas ee gobolka Galgaduud.
Ceel-garas ayaa waxaa maanta la wareegay ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka, kadib muddo ay halkaasi ka talinaysay kooxda Al-Shabaab.
Masuuliyiintan ayaa bogaadiyay ciidamada Qaranka iyo xooggaga difaaca shacabka ee cadowga ka xoreeyey deegaano badan oo dhaca Bariga Galgaduud, waxaana ay si rasmi ah ugu dhawaaqeen in shacabka Ceel-garas laga dulqaaday cadowgii muddo dhibaateynayay.
Qabashada Ceel-garas ayaa ka dhigan in la kala jaray marankii argagixisadii jirta jihadda Ceelbuur iyo kuwa jira Xiindheere iyo Qaayib.
Tani ayaa ka dhigan in kooxda ay awoodi la’dahay inay ku dagaalanto dhulkii ay mudada fog haysatay, iyada oo dareensan culeyskii dowliga ah iyo midka shacbiga ah ee soo foodsaaray bilihii lasoo dhaafay.
Shalay ayaa sidoo kale kooxda waxaa duqeymo looga laayay xubno badan, duqeymaha qaar waxay ka dhaceen inta u dhaxeysa Ceel-garas iyo Dhuusamareeb.
Sidoo kale khasaare xooggan ayaa kooxda kasoo gaartay duqeyn ay la kulmeen markii ay shalay isku dayeen inay weeraraan ama ay galaan Awdhiigle oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.
Si kastaba, howl-galka Ceel-garas lagu qabtay ayaa waxa uu kusoo aadaya, iyada oo dowladda ay wado abaabulkii ugu dambeeyay ee dagaalka, si kooxda looga xoreeyo deegaanada weli ku harsan gacantooda.

                                                             Hoos ka daawo sawirrada

                                                                Jalalaqsi Online