Muqdisho (jalalaqsi  Online) –Ciidamo katirsan Nabad sugida Soomaaliya ayaa shalay Sabtidii Howlgal qorsheysan ka fuliyey gudaha suuqa bakaaraha,waxaana lasoo warinayaa in howlgalka uu ahaa mid lagu raadinayey xubno ganacsato ah oo al shabaab lacago siiya.

Howlgalkaasi ayaa waxa xigay in seddex xubnood oo katirsan dharcadka Dawladda (Ilaalada Shacabka) la toogtay gudaha Suuqa Bakaaraha.

Kooxda Al Shabaab ayaa faafiyey Aqoonsiyada Askarta ay dileen ee NISA katirsanaa iyagoo ka qaatay Bistooladihii ay wateen,waxaana meydkooda seddexda askari laga qaaday meesha daqiiqado kadib.

Saaka oo Axad aheyd ayaa howlgal lagu baadi goobayey kooxdii shalay dilka geysatay waxa sameeyey ciidamada NISA kuwaas oo baaritaan ballaaran ka sameeyey waaxyaha kala duwan ee Suuqa ka kooban yahay.

Ficilo aan wanaagsaneyn ayaa laga dareemayey ciidamada NISA kuwaas oo ay ganacstaada kula dhaqamayeen oo aheyd inay jir dil ugeysanayeen dhalinyaro iyo rag waa weyn oo gaari gacanada ku shaqeeya.

Ma jirto faah faahin kasoo baxday NISA oo ay kaga hadlayaan howlgalkii saaka iyo kii shalay hadii ay kusoo qab qabteen dad ay baadi goob ugu jireen iyo in kale.

                                                                 jalalaqsi  Online