Xarardheere (Jalalaqsi Online) – Maxkamadda ciidamada qalabka sida, qaybta 21-aad ayaa maanta xukun dil toogasho ah ku filsay askari ka tirsanaa ciidamada milatariga, kaas oo 16-kii bishaan toogasho lagu xukumay, kadib markii uu dilka gaystay magaalada Xarardheere ee gobolka Mudug.
Askariga maanta xukunka qasaasta lagu fuliyay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray, Shariif Abshir Cabdiraxmaan Jaamac (Jini) kaas oo ay dhowaan xukuntay maxkamadda ciidamada.
Shariif Jini ayaa lagu helay inuu 11-kii September uu degmada Xarardheere ku dilay marxuum Saacid Cali Cabdi Shabeel oo ay ka wada tirsanaayeen ciidanka milatariga.
Sidoo kale, Maxkamadda ayaa maalintaas isna xukun sanad xabsi ah ku ridday Mursal Maxamed Cabdi (Canjeex) oo dhankiisa ku eedeysnaa in uu qalqalgelin ka gaystay degmada Xarardheere ee gobolka Mudug ,kaddib markii uu isna riday rasaas xoogan.
Goobta lagu toogtay Shariif Jini ayaa waxaa ku sugnaa saraakiil ka tirsan maxkamadda, mas;uuliyiinta degmada iyo ciidamo goobjoog u ahaa falka toogashada.
Toogashadan oo si deg deg ah loo fuliyay ayaa farriin u direyso ciidamada kale, si ay uga digtoonaadaan inay dhexdooda is dilaan.
Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida waxa ay u digtay ciidamada Dowladda Federaalka ee ku howlan qalqalgelinta Amniga sida in ay ridaan rasaas ama ay dhexdooda isku geysaan dhibaatooyin kala duwan.
Jalalaqsi Online