mogadisho(Jalalaqsi Online) –  Xubnaha mucaaradka Koonfur Galbeed ee uu fadhigooda yahay Muqdisho ayaa ka horyimid furitaanka shir dib u heshiisiinta ayaga oo miiska soo saaray shuruudo cusub oo ay tahay in la fuliyo ka hor shirweynahaasi.

Tallaabadan ayaa uga sii dareysa xiisadda siyaasadeed ee maamulka Koonfur Galbeed, taas oo ka dhalatay muranka hareeyay doorashooyinka kusoo foodka leh ee maamulkaasi.

Musharaxiinta mucaaradka ee Koonfur Galbeed ayaa warqad u diray guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Madoobe oo isugu iclmaamiyay shirka dib u heshiisiinta, waxayna sidoo kale ka horyimaadeen guddigii uu shalay u xil-saaray arrimaha dib u heshiisiinta.

Golaha ayaa shaaca ka qaaday in aan lagala tashan magacaabidda xubnaha guddigaas oo ka kooban illaa 7 xubnood, waxayna sheegeen inay u jan jeeraan hal dhinac.

Waxa kale oo ay shaaciyeen in ay horey usoo jeediyeen in tallaabo laga qaado saraakiishii fulisay weerarkii 23-kii bishii hore, si looga gaashaanto dagaal markale ka dhaca halkaas.

Mucaaradka Koonfur Galbeed ayaa dabaday in la fuliyo dhammaan shuruudahaan, si looga wada-hadlo xiisadda taagan, xalna loogu helo arrimaha koonfur Galbeed.

Koonfur Galbeed ayaa wajaheysa xaalada cakiran, waxaana loo ballansan yahay shirka dib u heshiisiinta oo furmayo 5-ta bishaan oo ku beegan maalinta Khamiista ee soo socota.

Si kastaba, xaaladda ayaa kasii dartay, markii ay mucaaradka diideen muddo kororsiga Lafta-gareen oo ay hal sano ugu dareen xildhibaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya, waxayna taas sababtay in uu dagaal ka dhaco magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

                                                              Jalalaqsi Online