Maxaas (Jalalaqsi Online)–madaxweynaha maamul goboleedka cusub ee hiiraan state cali jeyte cismaan oo warbaahinta la hadlay ayaa faah faahin ka bixiyey kulamadii maalmihii lasoo dhaafay ka socday degmada maxaas ee gobolka Hiiraan ee maamul goboleeedka hiiraan state.
kulamadaasi oo u dhaxeeyey madaxweynaha jamhuuriyada federaalka soomaaliya, waxgaradka iyo siyaasiyiinta kasoo jeeda gobollada hiiraan state oo uu ugu horeeyo MW cali jeyte cismaan. shirarkaas oo idil ahaantoodba la isku afgartay. madaxweynaha oo si gaar ah
loogu wakiishay Hogaaminta dagaallada lagu ciribtirayo kooxaha khawaarijta ah ee Al shabaab ayaa yiri sida tan. “waxa aan degmada maxaas joognay muddo dhowr cisho ah sida aad la socotaanba madaxweynha jamhuuriyadda soomaaliya ayaa halkaan yimid anaguna codsigiisa ayaa ku imaanay.
inta ugu badan wixii laga hadlayna waa la isku af afgartay.” dhanka kale MW cali jeyte waxa uu sheegay in madaxweyne xasan shiikh labo qodob uu soo jeediyey.
1- tabashadii siyaasadeed ee la qabay in aan maanta laga hadlin ee dib loo dhigo
2- in dagaalka khawaarijta lagula jiro loo midoobo anaguna taa iyadda ah waan la qaadanay ayuu hadalkiisa sii raaciyey. sababtana waxa uu ku sheeegay inaan loo dul qaaadan karin dhibaatada ay kooxdan ku hayaan ummada soomaliyeed.
Mw cali oo hadalkiisa sii watay ayaa waxa uu sheegay in nimankaan aysan ahayn niman xukun raba ama diin wada ee ey yihiin kuwo caqabad ku ah Nabadda iyo xasiloonida dalka. MW cali jeyte oo horey ugu guuleystey Hogaaminta wejigii kowaad ee dagaallada ka dhanka ah Al shabaab ayaa haddana uu madaxweynaha jamhuuriyada federaalka soomaaliya u wakiishay Hogaaminta dagaallada iyo horey u socodsiintoodaba, madaama la dhaqaaji waayey wejiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah khawaarijta, mudooyinkii danbe ee uu madaxweynaha JFS ku sugnaa magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug, Taasi oo uu madaxweynaha JFS ugu Dan lahaa in uu ka hago ciidamada XDS, Si loo xureeyo degmooyinka iyo deegaanada ay kooxaha Argagaxisada ah ay kaga suganyihiin Galmudug iyo dalka oo idil, Arrintaas oo suurogal noqon weysey. MW cali jeyte ayaa la xasuusta in uu ahaa waayahan danbe hogaamiyahii ugu wanaagsanaa oo si dhab ula dagaallama kooxaha Nabad diidka ah ee Al shabaab, sidoo kalena uu yahay halyeey soomaaliyeed oo u istaagay inuu si dhab ah uga dhiidhiyo dhibta ay khawaarijta ay ku heyso guud ahaan umadda soomaaliyeed. Isla markaana waqti xaadirkan uu markale u istaagi doono Hogaaminta dagaallada iyo ciribtirka kooxaha Al shabaab.
Balse Adigu muwaadin Rajo intee ah ayaa ka qabtaa in guulo laga gaari doono dagaallada iyo in kale, madaama MW cali jeyte oo Hogaanka dagaalka uu hayo.
Jalalaqsi Online