Qoraal kasoo baxay guddigan ayaa lagu sheegay in u yeeristooda ay la xiriirto si su’aalo looga weydiiyo wasiirka arrimo ku saabsan howlaha Wasaaradda.
Sida qorshuhu yahay wasiirka waxaa sidoo kale wax laga weydiinayaa go’aankii uu ka gaaray joojinta isticmaalka Aaladaha Tiktok, Telegram iyo 1XBet, kaasoo ahaa go’aan aanu Golaha Shacabka ee BFS aysan ka doodin.
Inta badan go’aannada masiiriga ee noocaan ah ayaa mara Golayaasha sharci dejinta ee dalalka ay ka jirto warbaahinta xorta ah, kuwaasoo ka yeesha dooddo adag iyo go’aan gaaris guud.
Jalalaqsi Online