Baledweyne (Jalalaqsi Online)-xildhibaannada Golaha Shacabka ee deegaan doorashadoodu yahay Hiiraan State kuna sugan magaalada Beledweyne ayaa maanta kulan ay ku yeesheen Beledweyne ku qaadaa dhigay xaaladda Hiiraan State iyo aayaha doonista shacabka rer Hiiraan State.
Xil. Sanbaloolshe, xil. Maxamed Cabduqaadir, xil. Maxamed Buraale iyo xil. Shirwac ayaa isla qaatay in si wada jir ah looga wada shaqeeyo danta shacabka iyo rabitaankooda, iyagoo sheegay iney xildhibaannada maqan u yeeri doonaan si loogu gogol xaaro dhismaha Hiiraan State.
                                                                                                                      Jalalaqsi Online