Xudur (jalalaqsi Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya, ahna haatan ku simaha madaxweynaha dalka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) iyo wafdi uu horkacayo ayaa maanta gaaray magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool.
Sheekh Aadan Madoobe ayaa Xudur u tegay arrimo la xiriira oo dardar-gelinta gogosha dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed oo uu isagu horay u dhigay, qiimeynta xaaladda nololeed ee magaaladaasi, iyo arimo la xiriira howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socdo halkaasi.
Ugu horreyn guddoomiyaha ayaa warbixin guud ka dhageystay guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda maamulka gobolka Bakool iyo guddoomiyaha degmada Xudur oo uga warbixiyay xaalada gobolka iyo guud ahaan deegannada ku xeeran, iyagoo sheegay in gobolkan uu muddo go’doonsan yahay islamarkaana dadka degaanka aysan helin nolol ku filan .
Dhankiisa Sheekh Aadan Madoobe ayaa ku amaanay maamulka iyo shacabka sida ay u diideen inay wax ku darsadaan kooxda Al-Shabaab, wuxuuna tilmaamay inay muujiyeen dhabar adeeg iyo geesinimo.
Dhinaca kale safarka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ee Xudur ayaa maanta soo shaac bixiyey heerka uu gaarsiisan yahay khilaafka siyaasadeed ee kala dhexeeyo madaxweynaha Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen).
Guddoomiyaha ayaa weji gabax kala kulmay maamulka Lafta Gareen oo aan kusoo dhoweyn degmada Xudur, maadaama uu yahay mas’uulka Koonfur Galbeed ugu sarreeya ee ku jira dowladda federaalka Soomaaliya, taas oo su’aallo badan iyo shaki dhalisay.
Aadan Madoobe waxaa garoonka Xudur uga hor tegay kaliya maamulka Bokool, kan degmada iyo dadweyne kooban, taas oo muujineyso in hoos loo dhigay soo dhaweyntiisa.
Lafta Gareen oo ku sugan Baydhabo ayaa isaga wasiiradiisuba aysan ka qeyb-galin soo dhoweynta guddoomiyaha, taas oo loo arko in uusan ku qanacsaneyn howsha uu wado, sidoo kalena caddeyneyso inuu jiro mad-madow siyaasadeed oo u dhexeeyo labada nin.
Koonfur Galbeed ayaa haatan wajaheyso xaalad siyaasadeed oo cakiran taasoo ka dhalatay doorashada kusoo foodleh maamulkaasi, waxayna xaaladdu kasii dartay markii xubnaha mucaaradka ee jooga magaalada Muqdisho ka biyo diideen muddo kororsiga Laftagareen.