Muqdisho (Jalalaqsi Online)- Sheekh Maxamed Idiris ayaa ka hadlay khudbadii saameynta badneyd ee Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre uu kaga dhibaatada heysata dadka reer Falastiin iyo duulaanka qaawan ee Yahuuda.
Ugu horeyn Sheekh Maxamed ayaa soo saaray qoraal uu ku sheegay in R/Wasaaraha culeys badan uu kala kulmi doono hadalkiisa, balse dadkiisa islaamka ah uu ka heli doono garab istaag buuxa.
“Kelmadii Ra’iisulwasaare Xamsa Cabdi Barre ee Falastiin, Gaza iyo Xamaas, dhawr mar baan dhegeystey, khayr Allaha siiyo, wuxuu si geesinimo leh ugu hadlay qalbigiisa iyo damiirkiisa islaanimo iyo mawqifka shacabka Soomaaliyeedna ee uu matalo, taas oo wax walba loo huri karo sida uu sheegay, Ilaahay ha barakeeyo oo ha sugo. Waxaan hubaa in culays lagugu saari doono, laakiin haka wel welin, Ilaahay baad kelmaddaas ku raalli gelisey, taariikhna wey kuu gashay, ummaddaaduna waa kugu garab taagantahay,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Sheekh Maxamed.
Qoraalkaas kadib TV-ga Universal ayaa wareystay Sheekh Maxamed Idiris, wuxuuna sheegay in dadka jecel cadaaladda iyo islaamka ay taageero buuxda u muujiyeen hadalka Ra’iisul Wasaaraha.
“Cadaadis waa uga imaa karaa caalamka, laakiin si geesinimo iyo islaamnimo leh ayuu u hadlay Ra’iisul Wasaaruhu, xaq ayuuna u leeyahay kelmadaha uu jeediyey, ilahey ayaa u hiilinaya, ma jirto sabab loogu welweli karo,” ayuu yiri Sheekh Idiris.
Shiiqa ayaa sheegay in hadalka Xamse ay dhibsa maraan madaxda dalal badan oo saaxiib la ah Soomaaliya, balse aan loo jooji doonin cadaadis kasta oo ka imaada.
“R/Wasaare Xamsa wuxuu ku hadlay damiirkiisa iyo kan shacabka Soomaaliyeed, waana ku taageereynaa, hoggaamiyihii umad muslim ah hogaamiya ee hadana qadiyadaan ka aamusan waa sheydaan camal,” ayuu yiri Sheekh Idiris.
Ugu dambeyntii Sheekh Idiris ayaa Ra’iisul Wasaare Xamsa ku dhiiri geliyey hadalkiisii xaqa ahaa ee arrinta Falastiin uu uga hadlay, isagoo u sheegay in cadaadiska iyo cajaga jugleynta uusan u joojin, maadaama uu heysto taageerada dadkiisa Soomaaliyeed iyo malaayiin muslimiin ah.

 

                                                                            Jalalaqsi Online