stanbul (jalalaqsi Online) – Ciidamada sirdoonka Turkiga ayaa xirey 44 qof oo lagu eedeeyey inay basaasayeen muwaadiniinta Falastiiniyiinta, hay’adaha iyo ururrada aan dowliga ahayn ee degan Turkiga

Waxaa lagu eedeeyey dadkan iney u shaqeynayeen hay’adda sirdoonka Israa’iil ee Mossad

Howlgalkan oo ay si wadajir ah u fuliyeen Hay’adda Sirdoonka Qaranka {MIT} iyo Booliska Istanbul, ayaa lagu soo qabtay Eedaysanayaashan, sida ay sheegtay Warbaahinta Turkiga

Wararka ayaa sheeegaya in dadkan la soo xiray ay iska dhigayeen shaqaale la-talinta ka shaqeeya oo reer Istanbul ah, tuhmanayaashu waxay bixiyeen macluumaadka Falastiiniyiin Turkiga ku dhaqan oo ay u gudbinayeen Mossad si ay lacag ugu beddeshaan

Xogtan ayaa markaas ka caawisay Mossad inay bilowdo hanjabaado ka dhan ah Falastiiniyiinta taasoo loo marinayo baraha bulshada.

                                jalalaqsi Online