Villa Soomaaliya gaar ahaan garabka Farmaajo iyo Fahad ayaa wada qorshe la rabo in kursiga Xildhibaannimo lagu dhaafsiiyo Taliyihii hore ee NISA Cabdullaahi Sanbaloolshe

Madaxtooyada Soomaaliya oo ogaatay inaan dib loo dooran doonin Xildhibaan Nuur Iidow Beyle oo hore kursiga ugu fadhiyay ayaa u wareegtay dhanka musharax Cabduqaadir Maxamed Colow.Cabduqaadir Maxamed Colow ayaa noqonaya Musharaxa nabad iyo nolol ay lacagaha badan ku bixineyso si uu ugu guuleysto kursiga Hop#058 oo uu u sharaxan yahay siyaasiga wayn ee Sanbaloolshe taageero xooganna ka haysta beesha uu kasoo jeedo ee leh kursiga.Haddaba, Beesha leh kursigaan ma waxa ay dooran doonaan nin ay Nabad iyo Nolol gadaal la riixayaan mase geesigii fagaarayaasha laga yaqaanay ee u taagnaa qadiyada reerkiisa waa Sanbaloolshe