Muqdisho (jalalaqsi Online) –Madaxweynihii hore Hirshabelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa waxa uu si kulul uga hadlay dad uu sheegay inay fashilinayaan kacdoonka gobolka hiiraan.

Sidoo cosoble ayaa ku dhego hadlay qoraal Xildhibaan Maxamed Ibrahim Macalimuu uu ku sheegay inay khalad tahay in meydka al shabaab lagu dul ciyaaray.

Waxaa yaab leh dad sheeganaya:

1- iney gobolka kula leeyihiin
2- oo aan diyaar u aheyn iney dhankooda ka xoreeyaan cadawga
3- oo uusan jirin hal wiil oo uga dhimanaa dagaalka
4- oo aan oggoleyn iney ku garabsadaan oo aad la xoreyso daanta ay deggan yihiin
5- oo aan garab kuu noqoneyn oo aan ku laheyn lacag iyo raashiin ayaan uga qeyb galaa dagaalka
6- oo ka xun ciddii ku soo garab istaagta
7- oo uu shabaab sidii injir madax gashay ugu dhex jiro oo gabbaad u ah
8- oo cabashadooda aan laga joogi karin haddii la adkeeyo aminiga magaalada
9- oo cabasho la soo istaagaa haddii la qabto guddiyo amni iyo kuwo gurmad
10- oo naqdinaa qof kasta ee yiraahda Hiiraan waa la xoreeyay
11- oo aad uga soo hor jeestay kacdoonka macawiisleyda dowladdana ku eedeeyay iney qabiil hubeyneyso
12- oo ka xun guulaha laga gaarayo dagaalka lagula jiro khawaarijta
13- oo aan ka tacsiyeyneyn qaraxyada lagula beegsado oo ku andacoonaa iney ayagana dad uga dhinteen
14- oo dhibsanaa dadka kugu amaanaa halganka aad ku jirto
15- oo ka xun marka ay macawiisleyda shucuurtooda soo bandhigaan
16- oo ka xun marka magacaaga idaacadaha laga sheegaa
17- oo aan walbo xishooneyn oo idaacadaha soo istaagaa

Naga xishoon mayaan, wax aan ka yeelnana ma naqaan

Aaway HG, dadkaan adinkaa hore u yiri hadla ee mar lee ma naga aamusin kartaan

                jalalaqsi Online