Garbahaarey (jalalaqsi Online) –Wararka inaga soo gaaraya deegaanka cabdalla biroole ee duleedka Galbeed Kismaayo ku yaalla ayaa sheegaya in halkaas uu ka dhacay qarax.

Inta la og yahay 3 qof ayaa ku dhintay oo Shacab ahaa kadib markii ay miino la kacday gaari ay la socdeen oo marayey cabdalla biroole.

Sidoo kale dhaawac dad soo gaaray ayaa la geeyey cusbitaalka magaalada kismaayo sida ay dhaqaatiirta sheegeena lala tacaalayo xaaladooda.

Ciidan gurmad ahaa oo dadka waxyeelada soo gaartay ku baxay ayey al Shabaab dhexda ugaleen iyadoo dagaal dhacay uu sababay khasaaro kala duwan.

Ma ahan markii ugu horeysay oo qarax shacab ku waxyeeloobaan uu ka dhaco deegaanka cabdalla biroole dhowr jeer ayaana sidaan oo kale uga dhacday.

                                                       jalalaqsi Online