Maxaas (Jalalaqsi Online) – Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ku wajahan degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, halkaas oo haatan laga dareemayo qaban-qaabo xoogleh oo ku aadan soo dhaweyntiisa.
Magaalada ayaa waxaa haatan ku sugan wufuud horudhac u ah safarka madaxweynaha, kuwaas oo labadii maalmood ee la dhaafay gaaray halkaasi.
Sidoo kale waxaa ku sugan saraakiil ka tirsan Xoogga dalka iyo ciidamo dheeraad ah oo lagu daabulay degmada Maxaas, si ay xaqiijiyaan amniga guud ee degmadaasi.
Madaxda kale ee joogta Maxaas ayaa waxaa kamid ah Hogaamiye Cali Jayte oo shalay magaaladaasi gaaray, isla-markaana sheegay inuu kulamo la qaadan doono madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Ujeedka safarka madaxweynaha ayaa la xiriira howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda halkaasi, isaga oo la kulmo doono ciidamada iyo dadka deegaanka.
Sidoo kale madaxweynaha dowladda federaalka ayaa kormeeri doono saldhigyada ciidamada iyo xarumaha kale ee ku yaalla magaaladaas, si uu u qiimeeyo xaaladda guud.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa muddo bil ah ku sugan caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb, waxaana halkaas uu ka hoggaaminayay dagaalka Al-Shabaab.
Si kastaba, safarka madaxweynaha ayaa kusoo aaday xilli xasaasi ah, isla-markaana ay ciidamada dib uga soo baxeen magaalooyin iyo deegaano ku yaalla gobollada dhexe.
Jalalaqsi Online