Wasiirka wasaaradda Amniga Gudaha Jubbaland S/Gaas Yusuf Xuseen Cismaan (Dhumaal) iyo ciidamo badan oo uu hogaaminayo ayaan gaaray degmada ceelwaaq ee gobolka Gedo taas oo ah degaanka doorashada labaad ee dowlada jubbaland iyo gudiga Doorashooyinka u asteeyeen ka dib markii ay sheegeen in Garbahaareey aan lagu qaban karin doorasho.
Dowlad goboleedka Jubaland ayaa waxay wadaa qorshihii ugu danbeeyey oo ay ku qaban laheed 16 kursi oo ka harsan doorashada maamulka jubaland. sidoo kale ay socoto qorshe labaad oo ay wadaa qaar ka mid ah maamulka Jubaland iyo Gudiga Doorashooyinka oo raba in ay ku qabtaan doorashada 16ka kursi ee harsan magaalada garbahaareey ee gobolka gedo.