Mogadisho (Jalalaqsi Online) – maxamuud cilmi waa mid kamid ah Ardaydii sanad_waxbarashedkii 2021_2022 ka qalinjabisay Dugsiga sare, islamarkana jamacadii ka doorbiday difaaca dalkiisa iyo dadkiisa waxa uuna jecleystay inuu ka qeyb noqdo ololaha lagu ciribtirayo kooxaha khawaarijta ah Ee Alshabab cabdisamed ayaa kamid ahaa Hurin ciidan ah oo loo Diyaariyey in ay u baxaan Tababar ciidan oo dalka Emirate_ka ah balse ma suurtogelin oo kooxda ma naxayaasha ah Oo caadeystey daadinta dhiiga umadda soomaaliyeed ayaa usoo maleegay qof naftiis hallige ah oo isku qarxiyey xero NacNac oo cabdisamed ku sugnaa markaas isaga iyo Hurin kale
Cabdisamed waxa uu ahaa wiil dhallinyaro ah oo waxbarashada Hammi iyo Himilo weyn ka lahaa waxa uuna ka doorbidey inuu difaaco dalkiisa iyo dadkiisa balse Nasiib daro ma aysan suurtogelin oo dhibtaan aad u jeedaan ayaa soo gaartay mana jiro gargaar iyo garab istaag dhanka dowlada ah Ee uu helay cabdisamed yare Eheladiisa ayaa la tacaalayey dhaawaca halista ah Ee soo gaaray wadanigan yar oo ahaa ubax iyo iftiin usoo baxayey dalka iyo dadka soomaaliyeed Maanta cabdisamed waxa uu u baahanyahay garab istaag soomaalinimo si uu u helo dhaqtar dalka dibadiisa maadaama dalka wax looga qaban waayey waana in loo Kala harin daryeelka iyo daaweynta cabdisamed yare
Jalalaqsi Online