Gaza (Jalalaqsi Online) – Weerarka Xamaas shalay ku qaadday degaannada ay Israa’iil ka haysto Falastiin oo ahaa kii ugu waynaa tan iyo dagaalkii Oktoobar ee ay Masar ku qaatay Israa’iil 1973 wuxuu dirayaa fariimo sedax ah;
1- In Sirdoonka Israa’iil oo lagu tiriyo kuwa dunida ugu xirfadda sareeya ay heli waayeen xogta weerarka, taasoo ka dhigan in awoodda sirdoon iyo hawlgal ee Xamaas ay aad u sarayso.
2- Sanadihii danbe waxaa socday daddaalo lagu go’doominayo Falastiin, iyadoo xoogga la saaray caadiyenta xiriirka dawladaha Carabta iyo kuwa Islaamka kala dhexeeya Israa’iil, waxaa kaloo shacabka Falastiin la saaray cunaqabatayn, gaar ahaan kuwa Gaza, iyadoo dhanka kale cadaadis la saaray dawladihii taageerayey, iyo kuwii marti geliyey madaxda Xamaas iyo ururada kale ee halganka ku jira. Weerarka wuxuu kala daadinayaa daddaaladaas oo idil.
3- Jawaabta laga bixiyey weerarka, gaar ahaan xukuumada Falastiin ee ay Fatax hoggaamiso waxay cadayn u tahay wada shaqaynta kooxaha Falastiin oo markii hore meel fog kala taagna iyo in dhinaca isku tashadeen, meelna iska dhigeen taageero iyo talo ay debada ka sugaan.
Dhanka Israa’iil ayaa waxaa bilihii la soo dhaafay ka aloosnaa kala qaybsanaan, is nac iyo dhiilo siyaasadeed oo aad u wayn. Nathanyaho oo xagjir baxsad ka ah dacwad musuq oo loo haysto ayaa xukunka qabsaday, isagoo isbahaysi la galay kooxo diineed aad u mayal adag, kuwaasoo doonaya in birta laga aslo waxay ugu yeereen calmaaniyiinta libaaraalka ah, meeshana laga saaro kala saarida Diinta iyo dawlada iyo kala madax-banaynta hay’adaha seddaxda, si taasi u hirgashana garsoorka la hoos keeno laanta fulinta, diinta Yuhuuddana sideeda loo dabaqo, Carabtana laga sifeeyo siyaasadda Israa’iil, kooxaha Falastiina lugta la mariyo.
Haddaba, waxaa isku soo beegmay reer Falastiin oo derbiga lagu geeyey, naf iyo nolol loo diiday, albaabka rajadana laga xiray iyo Israa’iil oo si ba’an u qaybsan.
Weerarka Xamaas wuxuu wax wayn ka bedeli doonaa loollanka juqraafi siyaasadeed ee Bariga Dhexe, wuxuu gilgili doonaa siyaasdaha gudaha ee dawladaha carabta iyo ku qasbayaa in ay wax iska bedelaan siyaasada caalamka, gaar ahaan reer Galbeedka ee ku aaddan arrinta Falastiin iyo Israa’iil. Waxaa kaloo taa xoojinaya aalada warbaahinta bulshada oo xaqiiqooyin badan debada soo dhigtay, aragti kale ku kordhisay wacyiga bulshooyinka reer Galbeedka, iyo quus laga joogo xagjirka talada Israa’eel qabsaday oo daboolka ka qaaday hagardaamooyinkii daboolnaa.
Bal okorta, waxaad arki doontaa Alle qaadkii khawaarijtaa ahaa ee Soomaalida boqol boqolka u dili jiray oo farriin soo duubaya, iyagoo leh “Alaahu Akbar, walaalaheen Xamaas ayaa guulaystay, inaguna waan guulaysan doonaa.

 

                                                                          Jalalaqsi Online