Muqdisho (Jalalaqsi Online) – Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka Axmed Ciise Guutaale ayaa soo saaray awaamiir cusub oo ku socda shirkado kala duwan oo ku howlan dhoofinta biraha duuga ah.
Hanti-dhawrka ayaa waxa faray guud ahaan shirkadaha dhoofiya biraha duugga ah in aysan marna fasax u haysan qaadashada iyo dhoofinta qalabka yaal xarumaha warshadihii hore ee dalka iyo agabka ku jira dhulka hoostiisa.
Sidoo kale waxa uu ku wargeliyay shirkadaha ku hawlan dhoofinta, qodista iyo bur-burinta agabka warshadaha dalka iney si deg-deg ah u joojiyaan.
“Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS waxa uu ogaaday in shirkado iyo shaqsiyaad ka ganacsada biraha duugga ah (Scrap) ay qodayaan dhulka xarumaha warshadaha kala duwan ee dalka qaarkood sida warshadda sifeynta batroolka ee ku taal duleedka Muqdisho ama ay dhoofinayaan agabka yaal xarumaha warshadaha iyo qalabka dhulka hoostiisa ku jira,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska Hanti-dhawrka Qaranka.
Waxa kale oo lagu yiri “Si waafaqsan Qodobka 5aad (Sharci Lr. 14 ee 10/09/2023) Xafiiska Hantidhowrka guud ee JFS waxa uu masuul ka yahay ilaalinta, baarista Hantidhowrka iyo kor joogteynta hantida Qaranka.”
Xafiiska Hanti-dhawrka oo gudanaya waajibkaas sharcigu saaray ayaa ku wargeliyay dhamaan shirkadahaas inay si deg-deg ah u joojiyaan arrimaha ay ku howlan yihiin ee kamid yihiin dhoofinta, qodista iyo bur-burinta agabka warshadaha dalka.
“Shirkadahaas fasax uma haystaan qaadashada iyo dhoofinta qalabka yaal xarumaha warshadaha dalka iyo agabka ku jira dhulka hoostiisa intaba,” ayaa sidoo kale lagu yiri awaamiirta kasoo baxday Hanti-dhawrka Guud ee Qaranka.