(jalalaqsi Online) – Warar hoose oo soo baxay ayaa sheegaya in Agaasimaha Hay’adda NISA Mahad Maxamed Salaad uu safar aan hore loo shaacin ku tegay mid ka mid ah dalalka Carabta iyadoo warar kala duwan ay soo baxyaaan.

Socdaalka Mahad Salaad uu saacado ka hor ku tegay Dalka Jordon/Urdun ayaa warar lagu kalsoon yahay waxay sheegayaan in saraakiil ciidan uu la kulmi doono.

Hoteelka uu ka deggan yahay Mahad Salaad Dalka Urdun ayaa la tilmaamay in ay tegeen saraakiil ciidan oo ka socday mid ka mid ah dalalka ugu sirdoonka adag caalamka.

Inkastoo ay adag tahay in la ogaado macluumaad kusaabsan safarka Mahad Salaad Ee Waddanka Jordan ayaa hadana ilo madax banaan ay sheegayaan in uu la kulmay wafdi ka socday Dawladda Isra’el.

Dawladda Soomaaliya weli kama aysan hadlin socdaalka Agaasimaha NISA Ee Dalka Urdun,xilli wararka qaar ay tibaaxayaan in ciidamo Soomaaliya loo tababarayo ay jiraan oo ay Xukuumada televiv ay mashruucaasi qaadatay.

Hore Madaxtooyada Soomaaliya ayaa beenisey in xiriir dhaw uu ka dhaxeeyo Isra’el iyadoo la beeniyey bilo ka hor socdaal qarsoodi ah oo Xasan Sheekh ku tegay Isra’el.

                                                           jalalaqsi Online