Muqdisho(Jalaalqsi Online)-Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya C/qaadir Maxamed nuur jaamac ayaa la qorsheenayaa in xilka laga qaado maadaama lagu eedeeyay inuu is hor istaag ku sameeyay Shaqada iyo Howlgallada Ciidamada XDS islamarkaana uu fara gashtay saadka Ciidanka, Shidaalka iyo istaraatiijiyada Ciidanka Xooga dalka Soomaaliyeed
Sidoo kale waxaa jirta Dacwo uu ka gudbiyay Taliyaha Xooga dalka Soomaaliyeed Gen, Ibraahim Sheikh Muxudiin waxaana macquul ah wasiirka in xitaa Golaha Baarlamaanka ay u yeeraan mar kale ama xilkiisa ay dib u eegis ku sameeyaan
Dhawaan wasiirka ayaa u gambiyay Guddiga Difaaca Golaha Shacabka Soomaaliya oo u yeeray Wasiir Cabduqaadir waxuuna u sheegay inuu Madaxweynaha uu safar la aadayo Dhuusamareebna uu u socdo laakiin hada waxaa soobaxaya dacwo badan iyo ku takri fal shaqada Qaran.
Qaar kamid ah dagaaladii ugu dambeeyay ee ciidanka xoogga dalka ay galeen ayaa la sheegay in loo maareeyay qaab ka baxsan taatikada ciidanka isla maakrnaa khasaaro soo gaarsiisay ciidamada dowladda.
Dagaalkii cowsweyne ayaa la sheegayaa in ciidanka dowladda ay kala kulmeen khasaaro badan islamarkaana hub iyo gaadiid ay leeyihiin CXD uu gacanta u galay Khawaarijta.
Waxaa sidoo kale jirta in dagaalka Cowsweyne ciidamadii halkaas ku jiray inaan loo fidin gargaarkii loo baahnaa islamarkaan aad looga soo daahay.
Wasiirka Gaashandhigga ayaa la sheegaa inuu ku mashqulsanyahay Aaaladda TIKTOK iyo inuu muuqaalo uu iska duubay uu soo dhigo baraha internet-ka.
Jalaalqsi Online