Baydhaba (Jalalaqsi Online) – Faahfaahino kala duwan ayaa kasoo baxaya weeraro qorsheysan oo ay xalay dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab ka fuliyeen deegaanno ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed, gaar ahaan gobollada Baay iyo Shabeelaha Hoose.

Weerarka 1-aad ayaa waxaa lagu beegsaday saldhig ay ciidamada Itoobiya ee qaybta ka ah howlgalka ATMIS ku leeyihiin degmada Diinsoor ee gobolka Baay, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah, waxaana kadib xigay dagaal u dhexeeyay labada dhinac.

Saraakiil ka tirsan laamaha amniga ayaa sheegay in laga hortegay weerarka Al-Shabaab, isla markaana haatan ay dagan tahay xaaladda degmada.

Al-Shabaab oo dhankeeda oo qoraal soo saartay ayaa shaaca ka qaaday in weerarkan ay ka dambeeyeen dagaalyahanadeeda, ayna khasaare ku gaarsiiyeen ciidamada Itoobiya.

Dhanka kale weeraro kale oo saf ballaaran ah ayaa ka dhacay degmada Qoryooley, deegaanada Buufow iyo Labmar Lixdan oo ka wada tirsan gobolka Shabeelaha Hoose.

Weeraradaas mid kamid ah waxaa lagu beegsaday sladhig ay ciidamada Uganda ku leeyihiin aagga Qoryooley iyo xerooyin kale oo ay dagan yihiin ciidamada dowladda.

Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weeraradaasi, maadaama ay ahayd xilli habeen, goobaha la weerarayna ay yihiin xeryo ciidan oo laga heli karin xog badan

Deegaano ka tirsan dowlad-gobaleedka Koonfur Galbeed ayaa waxa haatan ka socdo howl-gallo ka dhan ah Al-Shabaab, kuwaasi oo ay iska kaashanayaan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka.

Deegaannada maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa dhawaan si rasmi uga bilaaban doona wejiga labaad ee dagaalka kooxda Al-Shabaab ka dhanka ah, sida uu kal hore ku dhowaaqay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

 

 

Jalalaqsi Online