Muqdisho (Jalalaqsi Online) – Laamaha Amaanka ayaa maanta gacanta ku dhigay qarax lala damacsanaa goob ganacsiga oo ku taalla magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.

Ciidamada ammaanka ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay ninkii waday qaraxaasi, kadib markii laga arkay Camerada (CCTV), sida uu warbaahinta u sheegay afhayeenka maamulka gobolka Banaadir.

“Waxaa jiray kooxo iyagu khal-khal galinaya dadka ganacsatada ah in aysan xiran kaamirooyinka, wadeyna maalmihii ugu dambeeyay miinooyin ugu dhajiyaan goobahooda ganacsiga, nasiib wanaag laamaha ammaanka waxay ku guuleysteen inay fashiliyaan koox iyagu miino ku dhajisay tukaan qof muwaadin Soomaaliyeed uu lahaa,” ayuu yiri Saalax Cumar Xasan (Saalax Dheere).
Sidoo kale waxa uu sheegay in laamaha ammaanka ay qabteen Mooto Bajaaj lagu waday miinada dhajiska ah iyo weliba qofkii la socday, islamarkaana lagu raadjoogo shabakad iyadna fulineysa falalkaasi amni darrada ah ee lagu khal-khal galinayo goobaha ganacsiga.

“Ganacsatada Soomaaliyeed waxaa loogu baaqayaa in ay dardar-geliyaan howlaha ku aadan hirgelinta kaamirooyinka, ujeedooyinka markii hore awaamiirta loo saaray waxay aheyd inay kaameriyoonkaas ka qeyb qaatan sugida amniga, taasi oo maantaba suurta-galisay in raad-raaci mootadaasi iyo dadkii falka amni darrada ka shaqeynayay lagu raad-raaco islamarkaana gacanta lagu soo dhigo.”
Tan iyo markii uu soo baxay amarka dhigaya in ganacsatada xirtaan kaamirooyinka, ayaa waxaa kordhayay qaraxyada miinooyinka ee kooxaha argagixisada ku bartilmaameedsaneyso goobaha ganacsi ee u hoggaansamay amarka dowladda.

 Jalalaqsi Online