Baydhaba (Jalalaqsi Online) – Madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa markii ugu horreysay si cad u shaaciyay mowqifkiisa ku aadan wax ka beddalka dastuurka KMG ah ee Soomaaliya.
Laftagareen ayaa go’aankan uga dhawaaqay kulan uu isugu yeeray xildhibaanada labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ku metala Koonfur Galbeed, wuxuuna sheegay in sababta ugu weyn ee kulankooda uu yahay wada-tashi ku saabsan nidaamka cusub ee dowlad dhiska Soomaaliya iyo wax ka beddalka dasuurka ku meel gaarka ah.
“Qodobka saddexaad ee aan ka tashan doono waa arrimaha siyaasadda iyo sida ay hadda waxa u socdaan iyo nidaamkan cusub ee dowlad dhiska ah iyo isbeddalka wax ka beddalka dastuurka inaan iyadana wadatashi ka yeelano” ayuu yiri madaxweyne Laftagareen
Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa xusay inay muhiim u tahay in la dhammeystiro dastuurka oo hadda qabyo ah, isaga oo xusay inay qaadan doonaan doorka kaga aadan.
“Waa wax sharci ah oo dastuuri ah oo waajibaad qaran ah in dastuurka Soomaaaliya uusan qaybo ahaanin oo la dhammeystiro waa wax waajib ah oo dadka Soomaaliyeed u yaallo, xildhibaanada federaalka u yaalla, siyaasiyiinta iyo madaxda Soomaaliyeedna laga rabo in ayadana aan ka tashano” ayuu mar kale khudbaddiisa ka yiri madaxweynaha K/ Galbeed
Sidoo kale wuxuu intaasi sii raaciyay “Soomaaliya waxaan rajayneynaa isbeddal sharciyadeed inuu imaanaayo in aragtida annaga ay mideysan tahay oo aan qaadano go’aano muhiim ah oo dalka anfacaayo”.
Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan Baydhaba uu ka socdo shir xasaasi ah oo arrintaan iyo xaaladda Koonfur Galbeed looga hadlayo, kaas oo u dhexeeyo madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen iyo xildhibaanada labada Aqal ee BFS ee kasoo jeeda maamulkaasi.
Jalalaqsi Online