Muqdisho (Jalalaqsi Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax xoogan oo saaka ka dhacay qaybo kamid ah magaalada Muqdisho, kaas oo jugtiisa si weyn looga maqlay inta badan degmooyinka ku yaalla gobolka Banaadir.

Qaraxa oo ahaa ismiidamin ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay afaafka hore ee xerada TurkSom oo ku taalla degmada Wadajir, gaar ahaan waddada aada Jasiira.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in qaraxa uu fuliyay qof isku soo xiray walxaha qarxa, wuxuuna beegsaday ciidamo cusub oo loo qorayay Xoogga dalka.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in qaraxaan uu gaystay khasaare u badan dhaawac, waxaana waxyeelo soo gaartay ugu yaraan 4 qof oo kamid ah dadkii ku sugnaa goobta.

Xogta aan heleyno ayaa sheegeysa in qofka qaraxu ku xirnaa uu doonayay inuu dhex galo dhalinyaro saf ku jirtay si ay u qortaan ciidanka Gorgor ka soo horjeedka xerada TurkSom laakiin ay ciidamada amaanku ka shakiyeen, deetana inta aanu soo gaarin uu is qarxiyay.

Xaaladda goobta ayaa weli ah mid cakiran, waxaana soconaya gurmada loo fidinayo dhalinyarada ay waxyeellada kasoo gaartay ismiidaamintaasi.

Sidoo kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha ciidamada dowladda oo ku aadan weerarkaasi qaraxa ah ee lagu qaaday xerada TurkSom oo ah kulliyada ciidan oo ay maamusho dowladda Turkiga laguna tababaro ciidamada dowladda.

Al-Shabaab ayaa horay sidaan oo kale qaraxyo ugu weerartay xeryo ciidan oo ku yaalla Muqdisho, xilli ay ka socotay diiwaangelin ciidan, waxaana ugu dambeeyay weerarkii ka dhacay xerada Kuliyadda Jaalle Siyaasad, inkastoo laga hortegay ismiidaamiyihii fulina rabayu weerarkaais, kadib markii ay rasasaaseeyeen ciidanka, sidaasna kuu ku qarxay,

Waxaa sidoo kale ka horreeyay weeraro kale oo horay uga dhacay xerada Nacnaca oo iyana ku taalla degmada Wadajir, halkaas oo ay dhowr jeer qarxiiyeen xubnaha Al-Shabaab.

Jalalaqsi Online